Sidee Ayaan u Caawin Karnaa

Adeegyada Sharciga Vermont iyo Gargaarka Sharciga Vermont ayaa siiya rayidka (ma ahan dambiile) caawinta sharciga ee dagayaasha Vermont ee daqliga hooseeyo. Adeegyadeena waa bilaash.

Adeegyada Sharciga Vermont ayaa baaro dhammaan codsiyada caawinta sharciga. Haddii aan kugu caawin karno dhibaatada sharciga, waxaan kuu gudbineynaa qareenadeena iyo u doodayaasha oo waxaan kuu gudbineynaa qareeno iyo u doodayaal Gargaarka Sharciga Vermont. Waxaan sidoo kale kuu gudbin karnaa barnaamijyo kale.

Nala soo xiriir si aad u ogaatid haddii aan ku caawin karno. Waxaa noo suurtogeli karto inaan ku siino tallo. Waxaa noo suurtogeli karto inaan kuu sheegno meesha laga helo warbixin kaa caawineyso inaad ku matasho nafsadaada maxkamada.

Waxaa laga yaabaa inaysan noo suurtogelin inaan ku caawino sida ku saleysan daqligaaga. Ma lihin qareeno ku filan oo qof walba caawiya.

Sida naloola soo xiriiro

Soo wac 1-800-889-2047 oo fariin ku reeb, ama isticmaal onleenkeena Foomka Codsiga Caawinta Sharciga.

Haddii aadan ku hadlin af Ingiriis, weydiiso turjubaan. Waxaan ku siineynaa turjubaan bilaash kuu ah.

Xafiisyadeena waxay furanyihiin Isniinta illaa Jimcaha laga bilaabo 8:30 a.m. illaa 4:00 p.m.

Waxaan helnaa codsiyo badan ee lagu caawiyo. Ha sugin illaa daqiiqada ugu dambeyso ee nalakala soo xiriiro dhibaato degdeg ah!

Ha iloobin inaad noo sheegtid lambarka taleefonkaaga oo na soo ogeysii waqtiga ugu wanaagsan ee dib laguu soo waco. Fadlan la soco dib u soo wacitaankeena. Wuxuu ahaanayaa lambar taleefon ka bilaabanayo 802 oo malaha aadan aqoonsan!

Sida aan u shaqeyno

Waxaan ku weydiineynaa dhoor su’aalo ee lagu go’aansado haddii aad u qalantid inaad la hadashid qareenadeena. Tan waxaa loo yaqaan “nidaamka qaadashada”.

Tusaale ahaan, waxaan ku weydiisaneynaa:

  • warbixinta gaarka ah sida ciwaankaaga, lambarka taleefonbka, da’daada, haddiiguursatay, oo tirada dadka kula nool
  • qeexida dhibaatada ama arinta aad nagala soo xiriireysid
  • cadadka daqligaaga iyo hantida lagu go’aansanayo haddii aan ku caawin karno

Dhammaan warbixinta aad noo sheegtay way illaalsantahay. Lama wadaagayo ogolaansho la’aantaada.

Shaqaalaheena ayaa go’aansanayo sida wanaagsan ee laguu caawiyo

Waxay ku xirantahay xaaladaada iyo haddii aad u qalantid caawin, waad heli kartaa:

  • Tallada sharci ee dhinaca taleefonka ah
  • warbixinta ku jirto i-meelka ama aad boosta
  • cilmi baarista sharciga xadidan
  • u gudbinta u doode ama qareen ku caawiyo
  • u gudbinta wakaalad kale, ama
  • gudbinta qareen gaar ah

Fadlan ogow:  Kuguma caawin karno xadgudubyada taraafikada. Kuguma caawin karno inta badan dacwadaha dhaawaca shaqsiga iyo sharciga hanti maguurtada. Sidoo kale kaama difaaci karno dacwada dambiga. (Si kastaba, waan kugu caawin karnaa haddii aad u baahantahay caawin sharci sabab la xiriirto ahaanshaha dhibanaha dambiga.)

Waa maxay adeegyada sharciga rayidka?

Gargaarka Sharciga Vermont, Adeegyada Sharciga Vermont, iyo ururada kale ee gargaarka sharciga rayidka ayaa ka go’an inay caawiyaan oo matalaan dadka ku jiro arimaha sharciga rayidka. Kuwaan waa dacwadaha iyo dacwadaha kale ee sharciga ee aanan ku luglaheyn dambi.

Tusaale ahaan, dacwadaha sharciga rayidka waxaa ku jiro qilaafyada milkiilayaasha iyo kireystayaasha ugu badan, hanti beelida, arimaha kaarka deynta bangiga, takoorida, dacwadaha Faa’idooyinka Reach Up iyo Amniga Bulshada, iyo dhibaatooyinka kale ee la midka ah.

Difaacayaasha Dadweynaha iyo ururada kale ayaa ku caawiyo oo ku matalo dadka ku lugleh dacwad dambi, taas oo ah goortii dowlada ku eedeyso qof inuu sameeyay fal dambi.

Matahay dhibane dambi?

Haddii aad qabtid dhibaato sharci sabab la xiriirto dhibane ahaanshaha dambiga ama xadgudubka, booqo boggeena Caawinta Sharciga ee loogu tallogalay Dhibanayaasha Dambiga si aad u aragtid sida aan kuu caawin karno.

CARES Act – Saameynta Dhaqaalaha fayraska corona COVID-19 Lacag bixinada / Jeegaga Gargaarga saameynta corona

La cusbooneysiiyay Abriil 16, 2020 PDF (560 KB) Sharciga gargaarka fayraska corona ee faderaalka (loo yaqaan CARES Act) waxay siinayaan lacag inta badan dadka weyn ee ku nool Mareykanka. IRS ayaa ku soo direyso lacagta gurigaaga ama kugu soo rideyso akoonka bangigaaga. Dadka qaar ee aanan buuxin canshuur celinta waxay u baahanayaan inay… more

Sidee Ayaan u Caawin Karnaa

Adeegyada Sharciga Vermont iyo Gargaarka Sharciga Vermont ayaa siiya rayidka (ma ahan dambiile) caawinta sharciga ee dagayaasha Vermont ee daqliga hooseeyo. Adeegyadeena waa bilaash. Adeegyada Sharciga Vermont ayaa baaro dhammaan codsiyada caawinta sharciga. Haddii aan kugu caawin karno dhibaatada sharciga, waxaan kuu gudbineynaa qareenadeena iyo… more

Takoorida la xiriira Guryaha

https://www.vtlegalaid.org/sites/vtlegalaid/files/publications/vla-housing-brochure-somali.pdf 

Vermont Faa'idooyinka Shaqo la'aanta ee (Unemployment in Somali)

Haddii aad lumisay shaqadaada ama saacadahaaga la jaray, waxaad malaha heli kartaa caawinta qaar. Waxaad codsan kartaa faa'idooyin xittaa haddii badroonigaaga uusan dhihin inuusan. Badrooniyada ma sameeyaan go'aamada ku saabsan faa'idooyinka shaqo la'aanta — gobolka wuxuu sameeyaa. Miyaan u qalmaa faa'idooyinka shaqo la'aanta inta? Waa… more
Updated: Apr 21, 2022