FIIRO GAAR AH: Warbixintaan waxay aheyd mid sax ah ka bilow Abriil 17, 2020, si kastaba warbixinta qaar way isbadeli kartaa tan iyo markaas kadib. Fadlan fiiri vtlawhelp.org oo wixii aqbaaro hadeer ah.
Haddii aad lumisay shaqadaada ama saacadahaaga la jaray sabab la xiriirto fayraska corona COVID-19, waxaad malaha heli kartaa caawinta qaar. Waxaad codsan kartaa faa'idooyin xittaa haddii badroonigaaga uusan dhihin inuusan. Badrooniyada ma sameeyaan go'aamada ku saabsan faa'idooyinka shaqo la'aanta — gobolka wuxuu sameeyaa.
Miyaan u qalmaa faa'idooyinka shaqo la'aanta inta lagu jiro masiibooyinka COVID-19?
Waa inaad codsataa haddii:
- lagaa saaray shaqada ama la iska kaa fasaxay
- lagu siiyay fasaxa maqnaanshaha
- la jaray saacadahaaga
- lagu kireystay laakin aadan bilaabi kareyn sabab la xiriirto COVID-19
- aad ka tagtay shaqada si aad u daryeeshid canug oo dugsigiisa ama xarunta daryeelka carruurta xireen sabab la xiriirto COVID-19
- aad ka tagtay shaqada si aad u daryeeshid xubin qoyska ah oo laga helay COVID-19
- aad isku karantiishay sida waafaqsan amarada dhaqtarka
- lagaa helay COVID-19 ama aad qabtid aastaamo oo aad u baahantahay baaritaan
- aadan shaqeyn karin sabab la xiriirto amarada guriga joog
- weydiisay badroonigaaga inaad guriga ka shaqeysid sababo caafimaad dartiis oo badroonigaaga wuxuu yiri "maya"
- ka tagtay shaqada sababtoo ah badroonigaaga ma raaceyn jaheynada badbaadada oo wuxuu kugu soo rogayay halis aan macquul aheyn oo inuu kugu dhaco COVID-19
Haddii aadan shaqeyn karin sababtoo ah aad ku jirtid karantiil, jirantahay, daryeeleysid xubnaha qoyska oo jiran, ama daryeelida canuga, waa inaad fiirisaa haddii aad u qalantid waqtiga jirada la helay ee Vermont iyo fasaxa la bixiyay ee COVID-19 ka faderaalka. Samey midaan ka hor inta aadan codsan shaqo la'aanta. Fiiri bogga ku saabsan sharciga fasaxa faderaaalka la bixiyay.
Xasuuso, dhibaato malahan haddii badroonigaaga dhaho “aanan lagaa saarin” ama “aanan lagu siin fasaxa maqnaanshaha.” Degmada waxay go'aansaneysaa haddii sababta aad shaqada uga tagtay waxay ku qalansiisaa shaqo la'aan, ma ahan badroonigaaga.
Miyaan u qalmaa xittaa haddii aanan aheyn “shaqaalaha madaxabanaan” ama qandaraasle madaxbanaan?
Haa! Haddii aad iskaa u shaqeysatid, qandaraaslaha madaxabanaan ama qof iskii u shaqeysto wuu u qalmi karaa haddii aad buuxisid sharuuda kale ee kor ku qoran.
Vermont waxay weli dajineysaa sharciyo iyo nidaamyo codsi oo faa'idadaan ah. Booqo websaydka Waaxda Shaqada si aad u ogeysiisid sida laguula soo xiriiro markuu codsigaan diyaar noqdo.
Fiiro gaar: Miyuu ganacsigaaga yar codsaday "Illaalada Jeega lacag bixinta" amaahda SBA ama amaahda masiibada dhaawaca dhaqaalaha? Miyay maalgelintaan kuu ogolaatay inaad joogteysid saacado joogto ah? Haddii haa tahay, kadib malaha ma heli kartid shaqo la'aanta quseyso barnaamijyo walboo cusub.
Ka waran haddii aanan buuxin sharuudaha taariiqda shaqada ugu yar sannadkaan?
Haa! Xittaa haddii aadan laheyn taariiqda shaqo kugu fillan waxaa kuu suurtogeli karto faa'idooyinka shaqo la'aanta inta lagu jiro waqtigaan.
Miyaan u qalmaa haddii aanan aheyn muwaadin Mareykan ah?
Guud ahaan, haddii aadan aheyn muwaadin Mareykan ah, waxaad u qalantaa faa'idooyinka shaqo la'aanta haddii aad haysatid ansixin sax ah ee shaqada Mareykanka hadeer oo waxaad haysatay mid markii aad shaqeyneysay. Mashruuca Sharciga Shaqada Qaranka waxay qabaan dulmarka guud oo waxa aan ka ognahay, iyo ma garaneyno, wax ku saabsan u qalmidaada faa'idooyinka shaqola'aanta ee waqtigaan.
Socdaalka aan sharciyeysneyn ma heli karaan faa'idooyinka shaqo la'aanta.
Maku nooshahay Vermont? Ma qabtaa su'aalo ku saabsan sharcigaaga socdaalka ama ogolaanshaha loogu shaqeynayo Mareykanka? La xiriir AALV ama Rugta Sharciga South Royalton.
Intee lacag ah ayaan filan karaa inaan helo isbuuc walba?
Caadi ahaan tirooyinka gobolka ee tirada faa'idadaada isbuuclaha adiga oo isticmaalayo qaabkaan. Faa'idada ugu badan waa $513/isbuucii.
Haddii aad hadeer u qalantid shaqo la'aanta sababtoo ah COVID-19 (tusaale ahaan, sababtoo ah ma heysid taariiqda shaqada oo badan ama waxaa tahay qandaraasle madaxbanaan), Vermont wuxuu weli qorayaa sharciyada oo sida faa'idadaada loo xisaabinayo. Tirada waxay ku kala duwanaaneysaa sida u dhaxeyso $191/isbuucii (bar oo heerka isku celceliska faa'idada shaqo la'aanta ee rubacii sadexdii bilood ee la soo dhaafay) iyo $513/isbuucii.
Haddii aad xareysid sheegashada isbuuclaha waxaad sidoo kale heleysaa dheeraad $600 oo “magdhowga shaqo la'aanta cudurka faafa” isbuuc walba. Lacagtaan waxaa la helayaa illaa Luuliyo 31, 2020. Waad heli kartaa xittaa haddii aad kaliya heleysid qeyb shaqo la'aanta ah.
Illaa intee ayaan ku heli karaa faa'idooyinka caymiska shaqo la'aanta inta lagu jiro masiibooyinka?
Haddii aad u qalantid, waxaad heli kartaa faa'idooyinka shaqo la'aanta oo illaa 39 isbuuc ama illaa Diseembar 31, 2020 -- mid walboo soo hormaro.
Ka waran haddii aan horaan u isticmaalay illaa 26 keyga isbuuc ee shaqo la'aanta ah sannadkaan?
Haddii aad soo xareysid sheegasho kale oo aad u qalantid, waxaad heli kartaa 13 isbuuc ee kale oo faa'idooyinka shaqo la'aanta la kordhiyay. Hubi inaad dib u xareysid codsashada midaan.
Warbixintee ayaan uga baahannahay codsashada?
Fiiri ku qor hoosta boggaan websaydka Waaxda Shaqada Vermont. U diyaar ahow warbixin badan oo sida aad awoodid.
Garsooraha ka imaanayo Waaxda Shaqada ayaa kula soo xiriiri karo adiga iyo/ama badroonigaaga haddii:
- warbixinta ka maqantahay, ama
- adiga iyo badroonigaaga ku qilaafteen wax ku saabsan kuwa ka mid ah arimahaan.
Samey dadaalkaaga aad ku caawisid garsooraha inuu helo warbixinta ay u baahanyihiin. U sheeg haddii aadan geli karin kuwa ka mid ah warbixintaan.
Sidee ayaan u codsadaa?
Gudaha Vermont, sheegashooyin hore oo magdhowga shaqo la'aanta waa in lagu sameeyaa taleefon ahaan ama onleenka. Soo wac 1-877-214-3330 ama 1-888-807-7072. Waaxda Shaqada Vermont waxay leeyihiin foom onleen ah. Ku dhameystir foomkaan halkaan.
Haddii aad tahay qandaraasle madaxbanaan, iskiis u shaqeyste ama shaqaalaha “madaxbanaan”, waxay noqon kartaa dhoor isbuuc ka hor inta aysan kuu suurtogelin inaad aasaastid sheegashadaada. Vermont waxay weli dajineysaa sharciyo iyo nidaamyo codsi oo faa'idadaan ah. Booqo websaydka Waaxda Shaqada si aad u ogeysiisid sida laguula soo xiriiro markuu codsigaan diyaar noqdo.
Ka hor inta aadan la soo xiriirin Waaxda Shaqada si loo sameeyo sheegasho, la isu keeno warbixinta ka imaaneyso liiskooda warbixinta loo baahanyahay. Waaxda Shaqada ayaa qabaneyso wacitaano taleefono badan marka waxay qaadan kartaa waqti yar in lagu helo dhinaca taleefonka.
Illee intee ayaa ah inaan sugo?
Waqtigaan, Waaxda Shaqada malahan muddada sugitaanka oo faa'idooyinka shaqo la'aanta.
Waqtiyada caadiga ah, waxay caadi ahaan qaadataa qiyaastii labo isbuuc oo lagu helayo lacag bixintaada ugu horeyso. Sababtoo ah cudurka faafa, waa inaad sugtaa muddo dheer. Suurtogal ma ahan in la ogaado sida dhabtaa h markii aad heleysid lacag bixinta ugu horeyso.
Ma inaan wax sameeyaa kadib markii aan u qalmo?
Joogtey xareynta sheegashadaada isbuuc walba oo inaysan kuu suurtogaleyn inaad shaqeysid ama saacadahaaga la jaray. Haddii magacaaga ugu dambeeyo ku bilwodo A-E, ku soo dir sheegashadaada isbuuclaha Isniinaha, F-L oo Tallaadooyinka, M-R oo Arbacooyinka iyo S-Z oo Jimcooyinka.
Illaa Waaxda Shaqada ay dhahdo haddii kale, uma baahnid inaad cadeysid inaad raadineysid shaqo. Waaxda Shaqada ma rabaan in dadka halis geliyaan caafimaadkooda ama kuwa dadka kale inta lagu jiro cudurka faafa ee fayraska corona. Lagaama rabo inaad tustid inaad heshay wareysiyada shaqada, ka qeybgalay tartamada shaqada, iyo sidaas.
Sidee ayay midaan u saameyneysaa faa'idooyinkeyga, guriyeynta, iyo daryeelka caafimaad?
Haddii aad heshay caawinta bulshada sida 3SquaresVT (kaararka cuntada), caawinta shidaalka, Caawinta Guud, Reach-Up, ama SSI, waa inaad ku soo wargelisaa lacagta aad ka heshay shaqo la'aanta oo mid walba oo barnaamijyadaan ah. Guud ahaan waa inaad ku soo wargelisaa lacagta 10 maalmood dhexdooda oo markii aad bilowday helida shaqo la'aanta. Faa'idooyinkaaga kale way yaraan karaan ama joogsan karaan iyada oo aad heleysid shaqo la'aanta, waxay ku xirantahay inta aad ka heshid faa'idooyinka shaqo la'aanta.
Waa inaad sidoo kale ku soo wargelisaa mid walba oo barnaamijyadaan markii aadan markale u qalmin faa'idooyinka shaqo la'aanta, marka si aad u heshid 3SquaresVT, caawinta shidaalka, Caawinta Guud, Reach-Up, iyo SSI gadaal.
Haddii aad leedaay guriga la kabay, waa inaad ku soo wargelisaa faa'idooyinkaaga shaqo la'aanta milkiilaha gurigaaga (haddii aad ku nooshahay dhismo la kabay) ama maamulka gurigaaga (haddii aad heshid caawinta kirada sida foojarka Section 8). Saamigaaga kirada kor ayay aadi kartaa adiga oo helayo faa'idooyinka shaqo la'aanta. Waa inaad sidoo kale soo wargelisaa markii faa'idooyinkaaga shaqo la'aanta joogsato, si markaas saamiga kiradaada hoos u aado markale.
Medicaid sidoo kale way ku jirtaa lacagtaan shaqo la'aanta, marka laga reebo $600/isbuucii oo “magdhowga shaqo la'aanta cudurka faafa.” Waa inaan ku soo wargelinaa lacagtaada shaqo la'aanta Vermont Medicaid. Waxaan u maleynaa in dadka inta badan ay u suurtogasho inay helaan faa'idooyinka shaqo la'aanta dheeraadka ah oo haystaan Medicaid. Haddii aad heshid warqad dhaheyso in Medicaid ay isbadeleyso ama dhammaaneyso, fadlan nagala soo xiriir Xafiiska U doodaha Daryeelka Caafimaadka (HCA). Soo wac 1-800-917-7787 si aad ula hadashid u doodaha daryeelka caafimaad, ama buuxi Foomka Codsiga Caawinta. HCA waa adeeg bilaash u ah reer Vermonters.
Maxaa dhacayo haddii la ii diido?
axaad haysataa 30 maalmood ka bilow taariiqda ku jirto ogeysiinta qoran ee racfaanka. Laakin diidmooyinka qaar waxaa lagu xalin karaa racfaan la'aan. Waaxda Shaqada waxay la macaamileysaa codsiyo badan hadeer, iyo qiyaastoo bar iyaga ah waxay helayaan diidmooyinka koowaad sababtoo ah nidaamka ma hayaan warbixin ku fillan. Ka hor racfaan qaadashada, waxaad isku dayi kartaa la xiriirida Waaxda Shaqada oo maalinta laguu xilsaaray adiga si aad u aragtid haddii aad tahay mid ka mid ah dadka inta badan helayo in sheegashadooda la xaliyo. Haddii magacaaga ugu dambeeyo ku bilwodo A-E, sii wac Isniinaha, F-L oo Tallaadooyinka, M-R oo Arbacooyinka iyo S-Z oo Jimcooyinka.
Waan kugu caawin karnaa go'aansashada haddii aad u baahantahay ama aadan u baahneyn inaad ka racfaan qaadatid diidmada shaqo la'aantaada. Buuxi foomkeena iyo dib ayaan kuu soo waceynaa. Warbixintaada waxay aadeysaa Adeegyada Sharciga Vermont, kaas oo u baaro codsyada caawinta oo labadaba Gargaarka Sharciga Vermont iyo Adeegyada Sharciga Vermont. Waxaad sidoo kale naga soo wici kartaa 1-800-889-2047.
Haddii aad ka racfaan qaadatid, hubi inaad ugu dirtid warqada Waaxda Shaqada 30 maalmood gudahood ee ka bilaabaneyso taariiqda diidmadaada ama "warqada go'aanka." Usheeg inaad rabtid inaad ka racfaan qaadatid. Waxaad sidoo kale ku soo diri kartaa racfaankaaga i-meel ahaan, fakis ama keentid, laakin si kastaba soo diritaankaaga, waa inay ahaataa 30 maalmood gduahood oo taariiqda warqada diidmada. Fiiri websaydka Waaxda Shaqada oo sharaxaadaha oo waxa lagu darayo warqadaada racfaanka. Hayso koobiga warqadaada.
Haddii aad badelkii isticmaali laheyd foomka racfaanka, waxaad isticmaali kartaa foomka Racfaanka Sheegtaha UI. Buuxi oo keydi koobiga nafsadaada.
Garsoorka Sharciga Maamulka (ALJ) ayaa dib u eegayo sheegashadaada iyo diidmada oo waxaad heleysaa taleefonka dhageysiga. Ka fiiri gadaasha Ogeysiintaada Dhageysiga ama websaydka Waaxda Shaqada wixi sharaxaadaha nidaamka racfaanada.
🔊
More in Somali / Maay Maay: Audio about COVID-19 financial help from CVOEO